29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Trump oo shaaciyay inuu Mareykanka wada-hadal la yeeshay Iran, ku dhawaaqay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iran ay yeesheen “wada-hadallo cusub oo wax ku ool ah” oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka socda in ka badan saddex toddobaad.

Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in shan maalmood lagu kordhiyay waqtigii uu u qabtay in lagu “tirtiro” xarumaha korontada iyo kaabayaasha tamarta ee Iran, haddii aysan Tehran dammaanad qaadin isku-socodka xorta ah ee maraakiibta maraya Marinka Hormuz.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku shaaciyay wada-hadalladan cusub. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid looga baaqsanayo weerar baaxad leh oo horseedi kara in dagaalku faraha ka baxo, inkasta oo xaaladdu weli kacsan tahay.

Mawqifka is-diiddan ee Tehran iyo Washington

Inkasta oo Trump uu sheegay inay jiraan wada-hadallo, dhanka Iran waxaa ka soo baxaya warar ka duwan. Wakaaladda wararka ee Fars, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka (IRGC), ayaa gaashaanka ku dhufatay in wax wada-hadal ah ay dhaceen, iyadoo sheegtay in aysan jirin xiriir toos ah ama mid dadban oo lala yeeshay Washington.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee dowladda IRNA ayaa soo xigatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran oo beenisay inay jiraan wax gorgortan ah oo socda.

Dhanka kale, dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadaan waddamada Cumaan, Turkiga, Masar iyo Pakistan ayaa socday maalmihii u dambeeyay. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr Albusaidi ayaa xaqiijiyay inay si adag uga shaqeynayaan sidii loo heli lahaa marin ammaan ah oo looga gudbo Marinka Hormuz.

Xiisadda dagaalka iyo saameynta dhaqaalaha

Xiisaddan ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay Axaddii, markaas oo Trump uu qabtay muddo 48 saac ah ka hor inta aan la burburin ilaha tamarta Iran.

Tehran ayaa kaga jawaabtay hanjabaad ah inay beegsan doonto saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe, xarumaha biyaha macaaneynta (desalination) ee dalalka Khaliijka, iyo inay kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah Israa’iil.

Telefishinka qaranka ee Iran ayaa baahiyay farriin muujinaysa in “Madaxweynaha Mareykanka uu dib u gurtay kadib digniin adag oo ka timid Iran.”

Xirnaanshaha Marinka Hormuz oo ay marto shan meelood meel saliidda iyo gaaska caalamka ayaa sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqyada saamiyada adduunka horaantii Isniintii.

Si kastaba, markii uu soo baxay warka ku saabsan muddo kordhinta Trump, qiimaha saliidda ayaa yara degay, halka suuqyada maaliyadeed ay dib u soo kabsadeen.

Mugdiga ku gadaaman geeddi-socodka nabadda

Dagaalkan oo qarxay dabayaaqada bishii hore kadib weerar ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa la sheegay in lagu dilay hoggaamiyihii sare ee Iran, Cali Khamenei iyo saraakiil kale. Dagaalkaasi wuxuu galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo qof, kuwaas oo u badan dhanka Iran.

Inkasta oo Trump uu sheegay inuu faray Waaxda Dagaalka inay hakiyaan weerarrada muddo shan maalmood ah, haddana ma cadda sida labada dhinac ay u gaari karaan “xal dhammaystiran.”

Mareykanka ayaa hore u sheegay in ujeedkoodu yahay “isbeddel nidaam,” halka Iran ay shuruud ka dhigtay in Mareykanku gabi ahaanba ka baxo gobolka Khaliijka iyo in magdhow laga siiyo burburka soo gaaray.

Xaaladda ayaa weli ah mid laga deyrinayo, iyadoo diyaaradaha Israa’iil iyo Mareykanka ay sii wadaan duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Iran, halka Tehran ay ku hanjabtay inay “si aan laga soo kaban karin” u burburin doonto kaabayaasha muhiimka ah ee Bariga Dhexe haddii weerar lagu soo qaado.

- Advertisement -

Read more

Local News