31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabada ay DF ka digtay ee uu qaaday Lafta-gareen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) kadib markii uu soo magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkaas, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Guddigan oo ka kooban illaa 9 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyadoo guddiga la faray inuu si deg-deg ah u howlgalo, isla markaana u guda-galo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ujeedada dhismahan guddiga ayaa ah inuu si gaar ah uga shaqeeyo doorashada golaha wakiillada Koonfur Galbeed iyo midda madaxweynaha, oo uu haatan muran ka taagan yahay, iskuna hayaan maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac oo isku rogtay gacan ka hadal, waxaana hadda ay u muuqataa in Lafta-gareen uu u bareeray in doorasho iskiis ah uu ku qabsado magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, isaga oo qaaday waddadii Axmed Madoobe oo horay doorasho ugu qabsaday Kismaayo.

Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada DF ka digtay ee uu qaaday Lafta-gareen?

Maxamed Aadan: “Koonfur Galbeed Soomaaliya loo talin maayo ee ayadaa tashaneysa, Hawiyoow taas meel ku qorta”.

Cabdifitaax Cabdullahi: “Gurbaaantiii la xado meel lagu garaaco ma rabtooo hee Lafta-gareen tan waa tii aad ku dhiman laheyd”.

Aadan Cali Xasan: “Tiktokers ayaa gudiga doorashooyinka KGS loo magacawey cajaa’ib”.

Xasan Maxamed: “Wa muhiim in talada Koonfur Galbeed aan loo daba fadhiisan dad kale waxaan leeyahay guuleysta”.

Axmed Sheekh Cabdi: “Ka daroo dibi dhal hadday taagantahay”.

Si kastaba, ha’ahaatee xiisadda ka dhex aloosan Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadda mareysa meel xasaasi ah, iyadoo ciidamo kala taabacsan labada dhinac ay isku fara saareen maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News