Shariif Sheekh Axmed oo soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne Badan ayaa soo dhaweeyay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay isaga iyo wafdi uu hogaaminayay.

Shariif Sheikh Axmed waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay iyo masuuliyiin kale.

Dadweynaha ayaa safnaa wadada ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ilaa isgoyska KM4, waxaana ay wateen sawirada iyo astaanta xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay.

Shariif Shariif ayaa ujeedooyin dhowr ah dalka ugu soo laabtay, waxaana kamid ah kulamo uu la qaadan doono xubnaha xisbiga iyo dhalinyarada kala duwan oo uu kala hadli doono nidaamka dowladninada iyo xisbiyadda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sidoo kale uu ka qeyb gali doono munaasabad weyn oo xisbiga ku qabsan doono magaalada Muqdisho, taasi oo xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ay kasoo muuqan doonaan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari la doonayo in laga dhigo guddoomiyaha xisbiga, iyadoo hogaamiye uu noqon doono Sheikh Shariif.

Dowladda Soomaaliya ayaa culeesaad badan kala kulmeysa hogaamiyaashii dalka Soomaaliya oo hogaaminaya xisbiyo kala duwan, waxaana ay dowladaan yeelatay mucaaradkii ugu badnaa.

Wali dowladda ma aysan shaacin nooca doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2020/2021, waxaana hadda moodaa inay socdaan olalaha doorashada oo aan waqtigooda la gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com