Sawiro: 3 sabab oo keentay inuu Mahad Salaad deg deg ku tago Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna si weyn uga soo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb waxaana loo dhigay Roog Cagaaran.

Xildhibaanka ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey dadweyne farabadan, Xildhibaano, Wasiiro iyo Odayaal dhaqameedyo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal ayaa sharaxaad ka bixiyey Sababta ka dambeyso safarkiisa uu ku kala tagayo Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay Mahad Salaad

Saakay waxaan safar ugu anbabaxay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug. Safarkeygu wuxuu isugu jiraa:

  1. Dib-u-heshiisiin guud iyo mid gaar ahaaneed.
  2. Gogol xaar sidii loogu diyaar garoobi lahaa gogashii uu fidiyay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.
  3. Furida mashaariic dhinaca biyaha ah oo aan ka fuliyay tuulooyin hoos yimaada Degmooyinka Guriceel, Balanbale iyo Dhuusamareeb.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad