Maxay tahay sababta weli Tarsan uusan ugu laaban Nairobi xilli Lucas Tumbo uu ka shaqo bilaabay Xamar?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawan isku afgartay in dib lo bilaabo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal.

Labada dal ayaa ku heshiiyey in safiiradooda dib u bilaabaan howshooda Dimlomaasiyadeed kadib asbuucyo ay hakad ku jirtay maadaama ay taagneyd xiisad ka dhalatay dacwad ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka kadib markii ay Kenya sheegatay qeybo kamid ah Badda Soomaaliya.

Lucas Tumbo oo ah  Safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya ayaa todobaadkii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa dib u dib Muqdisho uga bilaabay howlihiisa diblomasiyadeed, balse waxaa is waydiin mudan sababta uusan Safiirka Soomaaliya weli u tagin Magaalada Nairobi.

Amb. Tarsan ayaa Habeen hore  Transit ku ahaa Garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxaa xilligaas wada hadal dheer loo ogolaaday inuu seexdo Hotel ku yaalla gudaha garoonka, saacadihii uu ku sugnaa garoonka.

Tarsan ayaa Shalay Muqdisho kusoo laabtay, waxaana jiro caqabado ka hor taagan inuu dib ugu laabto Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya si uu u qabsado howlihiisa diblomaasiyadeed.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaan weli qorin warqadii codsiga aheyd ee dib u laabashadiisa Nairobi, sidoo kalana waxaa jiraan arrimo kale oo la isla dhex marayo oo ay kamid tahay inuusan Tarsan ku qanacsaneyn inuu dib ugu laabto Nairobi uuna ka fakarayo inay Dowladda Soomaaliya u magacowdo xil kale.

Dowladda Kenya ayaa bartamihii bishii February ku amartay Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi inuu dib ugu laabto dalkiisa, halka Safiirkii u joogay Muqdisho ay u yeeratay inuu si degdeg ah u soo galo, iyadoo Kenya xilligaas cabasho ka muujineysay xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay shidaal ku jira dhulka badeedka ay sheeganeyso ee uu muranka ka taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com