Shariif Xasan oo xog ka bixiyay waxa laga filan karo shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay shirka Madaxda dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada maanta uga furmaaya magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan dano guud oo mideeya dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada kuwaa oo uu sheegay inay isku soo dhaweynayaan si looga wada hadlo xalinta dhibaatooyinka jira.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in maamul Goboleedyada ay diyaar u yihiin inay saxaan khaladaadka ka dhaca dowlada Dhexe oo uu sheegay inay yihiin kuwo u baahan sixitaan si looga gudbo waxa uu ugu yeeray khilaafyada taagan.

Waxa uu Shariif carab dhabay in maamul Goboleedyada ay ahmiyad gaara u leedahay dhismaha Golaha ay ku mideysan yihiin waxa uuna cadeeyay inaan qabsoomi doonin wax aan loo marin Golaha.

Dowlada Federaalka ayuu sheegay inaysan ka aqbali doonin diidmada dhismaha Golaha mideynaaya maamul Goboleedyada, waxa uuna ku celcelshay in dowlada Federaalka ay uga fadhiyaan ka tanaasulida waxyaabaha qaar oo uusan carabaabin.

Mar wax laga weydiiyay waxa kasoo bixi kara shirka maanta oo Sabti ah ka furmaaya magaalada Muqdisho ee u dhexeyn doona Madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay ka rajeynayaan guul, balse waxa uu si maldahan u sheegay in guushaasi ay imaan doonto is fahan kadib.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay suuragal tahay in Hogaamiyayaasha maamulada ay go’aan mideysan ka qaatan waxyaabaha qaar ee kasoo baxa shirka, isagoo dhanka kale sheegay inuu rajeynaayo in isfahan laga gaaro shirka maanta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa horay ugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada kadib markii uu sii kordhay khilaafka Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com