Sawirro: Xaaf oo si weyn loogu soo dhaweeyey Xamar + Magacyada masuuliyiinta

MuqdishoMadaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa daqiiqado ka hor si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Siyaasiyiin, Xildhibaano, Wasiiro, iyo Ganacsato.

Waxaa soo dhaweeyey oo garoonka ugu tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshisiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisow

Sidoo kale waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay Sanateer Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Xasan Macalin, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaano kale  iyo Siyaasiyiin .

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka qeyb geli doono shirka uu Madaxweynaha ku dhawaaqay inay Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe oo la filayo inuu maanta gelinka dambe bilowdo, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo inuu shirka furmo Berri oo Axad ah.

Soo dhaweynta kadib waxaa kulan gaar ahaan qeybta VIP-da ee Garoonka Muqdisho ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa, qaar ka tirsan Xildhibaanada laba aqal ee kasoo jeedo Galmudug iyo Madaxweyne Xaaf.

Dad aad u badan ayaa ku sugan banaanka hore ee garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kuwaas oo ka qeyb qaadanayo soo dhaweynta Xaaf, waxayna dadka isku soo baxay xiran yihiin Funaanado iyo Boorar ay ku qoran yihiin ( Xaaf waa madaxweynaha Sharciga ee Galmudug) (Dowladda Faragelinta haka deyso Galmudug) iyo hal ku dhigyo kale.

Waxaa horey Muqdisho usoo gaaray madaxweynaha Hirshshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Shariif, iyadoo la filayo in saacadaha soo socdo ay Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Wixii warar ah ee kusoo kordha imaanshaha Xaaf iyo sawirada soo dhaweyntiisa waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah