Shariif Xasan oo u jawaabay gudiga doorashada ee shalay shaaciyay in…

Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka jawaabay hadalkii shalay kasoo baxay gudiga doorashooyinka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu diyaariyay xubnaha kaga mid noqonaya Aqalka Sare.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan xubnaha ay diyaariyeen mudada labada maalmood gudahooda ee ay qabteen Guddiga Doorashooyinka.

Maaamul Goboleedyada ka jira Dalka ayaa looga fadhiyaa in ay ku dhawaaqaan xubnaha ka mid noqonaya Aqalka Sare, waxaana Maamul Goboleedyada qaarkood ay sheegeen in hadaba ay diyaar u yihiin in ay ku dhawaaqaan xubnaha ku soo kala aaday.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa horey u sheegay in ay diyar yihiin xubnaha Maamuladooda uga mid noqonaya Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com