Yaa ka danbeeya dilalka foosha xun ee ka socda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in amniga magaalada Muqdisho uu ka degi la’ yahay Kooxo ku labisan dareeska ciidamada dowlada kuwaasi oo qalqal galiya xasiloonida Gobolka.

Maamulka waxa uu sheegay in Kooxahaasi uu ka xasili la’ yahay dalka, waxa ayna sidoo kale carab dhabeen in Kooxahaasi ay yihiin kuwo ay ku jahwareersan yihiin waxa ay yihiin iyo halka ay ku qoran yihiin.

Gudoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka degi la’ dahay Kooxahaasi, waxa uuna rajo beel ka muujiyay sida lagu ciribtiri lahaa.

Yabooh waxa uu intaa ku daray inay garan la’ yihiin sababaha ciidamadaasi ku dhaliyay inay qalqal galiyaan amniga magaalada, hayeeshee ay ka hortagi doonaan kooxahaasi.

Dilalka iyo falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayuu sidoo kale sheegay inay ka danbeeyaan Kooxahaasi.

Sidoo kale, Yabooh ayaa sheegay in ay wadaan qorshe looga hortagayo kooxahan, isagoo sidoo kale sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan Talisyada Ciidanka si ay ugala hadlaan sidii loo keeni lahaa Ciidamo la yaqaan oo Amniga suga.

Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca falal amni darro, dhac iyo dilal ay geystaan Kooxo ku labisan dareeska ciidamada dowlada kuwaasi oo ay qaati ka taagan yahay dadka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com