Xog: Maxaa kala soctaa dhowrka caqabad ee Xasan u diidi doona in dib loo doorto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo dhex bartanka kaga jira ololihiisa doorasho ayaa waxaa iminka soo ifbaxeysa inay lasoo deristay caqabado kala ceyn ah kuwaasi oo ka hor istaagi kara doorashada.

Madaxweynaha ayaa waxaa la tilmaamayaa in caqabado farabadan ay ka heystaan dhanka maamul Goboleedyada dalka kuwaasi oo uu ka helaayo codadka ugu badan ee uu kusoo laaban lahaa.

Caqabadaha ugu badan ayaa iminka la sheegayaa in Xassan Sheekh ay ka heystaan Maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxaana sidoo kale shaki la galinayaa maamulka Koonfur Galbeed oo isna uu u sharaxnaan doono Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xassan oo aan ka maarmi doonin codadka Xildhibaanada ka imaan doona maamulkiisa ee qeybta ka noqon doona BFS.

Caqabadaha kale ee Xassan Sheekh heysta ayaa waxaa kamid ah in tirro mas’uuliyiin ah oo uu diyaarsaday ay ku biireen garabka Sheekh Shariif kuwaasi oo kamid noqon doona Xildhibaanada cusub.

Waxaa sidoo kale, caqabadaha soo cusboonaaday kamid ah in wali uu taagan yahay khilaafka Xassan Sheekh iyo C/kariin Guuleed, kaa oo mugdi galinaaya codadka uu Xassan ka heli lahaa Xildhibaanada ka imaan doona dhanka Galmudug.

Caqabadahaani heysta Xassan Sheekh ayaa waxaa sii xoojinaaya Khilaaf la qarinaayo oo ka dhextaagan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban Cumar Dhagey iyo Xubno kamid ah Guddiga, waxa uuna khilaafkaasi ka dhashay is fahan’waa ka dhex dhashay Guddiga.

Madxaweyne Xassan ayaa iminka si buuxda ugu tashanaaya keliya Xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle uga mid noqon doona Baarlamaanka cusub, walow qudhooda ay ku dhex jiraan kuwo taageersan Musharaxiinta kale.

Madaxweynaha dalka ayaa waxa uu dhawaan booqasho ku gaari doonaa ilaa Seddex caasimadood oo ay leeyihiin maamul Goboleedyada dhisan waxa ayna booqashadaasi tahay mid salka ku heysa uruursiga taageero ka caawiya dhanka codadka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa walaac laga muujinayaa dib usoo laabashada Xassan Sheekh, waxaana soo ifbaxaaya inuu taageero ka heysto keliya dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com