Shariif Xasan oo fariimo hanjabaad ah u kala diray xildhibaanada mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshinka ay Xildhibaanada Koonfur Galbeed kawadaan Hogaamiyaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ah, ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan Mooshinka ay kawadaan Shariif Xasan inta uu iska casilaayo xilka uu hayo.

Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan oo Madax u ah Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiye Shariif Xasan, ayaa sheegay inay hayaan cadeymo cadcad oo muujinaaya in Shariif Xasan uu ku fashilmay xilka.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan fariimo hanjabaad ah uu Shariif Xasan u diray qaar kamid ah Xildhibaanada wada Mooshinka.

Wuxuu carab dhabay in Xildhibaanada qaar loogu goodiyay in lagu sameyn doono fal amni darro haddii aysan ka bixin Mooshin wadayaasha, balse waxa uu cadeeyay inaanu jirin Xildhibaan dhag jalaq usiiyay goodinta ka imaaday Shariif.

Mar Xildhibaan Cali Xasan Cusmaan wax laga weydiiyay danta laga leeyahay Mooshinka ayaa waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay isbadel maamul.

Dhinaca kale, Xildhibaanada ilaa iyo hadda iska diiwaan galiyay liiska Mooshinka ayaa kor u dhaafay Boqol Xildhibaan waxaana la sugayaa inta uu Shariif Xasan uga laabanaayo magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com