Shariif Xasan oo ka carooday wasiirada la magacaabay iyo qorshooyin halis ah oo uu wado

Muqdisho (Caasimaada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa lagu eedeeyey inuu damacsan yahay sidii xildhibaanada ay codka ugu diidi lahaayeen Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwaasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

Sharif Xasan ayaa la sheegay inuusan ku qanacsaneyn golaha wasiirada ee lagu dhawaaqay kadib markii uu ka waayey shaqsiyaadkii uu watay ee uu u gudbiyey Ra’isulwasaare Kheyre

Haddaba Aamina Mursal Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Cali Maxamed Geedi ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif  Xasan Sheekh Aadan  uu wado qorsho uu ku doonayo in aan la meel marin Xukuumadda Cusub.

Waxa ay sheegtay Aamina Mursal in laga gudbay waqtigii Dowladn Diidnimada islamarkaana la joogo xilligii loo istaagi lahaa Dowlad Midnimo Qaran ah.

“ Shariif Xasan Soomaali wey baratay , Digil iyo Miriflena waa yaqaanaan marka waa in aan dheg jalaq loo siin qorshaha uu ka majaxaabin rabo Xukuumadda Cusub” ayey hadalkeeda sii raacisay Aamin Mursal Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka oo ls hadashay Idaacadda Shabelle ee Maagaalada Mudqdisho.

Dhanka kale wax ay ugu baaqday Aamina Mursal Dowladda Dhexe Masuuliyiinteeda in ay soo fara geliyaan Khilaafka Siyaasadeed ee ka aloosan Koofur Galbeed.

Ugu dambeyn ayaa waxa ay ugu baaqday Aamin Mursal Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu is casilo maadaama dib u dhac dhan weliba ah uu ku ragaadiyay Koofur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com