Gaas oo qorsho cajiib ah la damacsan xubno xilal ka haya maamulkiisa

Bosaaso (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa wada qorsho xil ka qaadis loogu sameynaayo Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo xilal muhiim ah ka haya Maamulka Puntland.

Qorshaha xil ka qaadista Wasiirada ee uu damacsan yahay C/wali Gaas ayaa saameyn ku yeelan doonta ilaa Afar Wasiir oo la sheegay in xilka laga qaadi doono.

C/wali Gaas ayaa la xaqiijiyay inuu diyaariyay Shaqsiyaadka lagu bedeli lahaa Wasiirada uu la damacsan yahay xil ka qaadista, waxaana sidoo kale socda qorsho xilalka looga qaadayo ilaa Shan Mas’uul oo ka kala tirsan Hay’adaha amaanka, Maamulada Garoowe iyo Boosaaso.

C/wali Gaas ayaa dalka dibadiisa kala imaaday ilaa dhowr Siyaasiyiin kuwaa oo la filaayo inuu ku bedeli doono shaqsiyaadka iminka u calaameysan ee xilalka laga xayuubin doono.

C/wali Gaas ayaa dhawaan howl gudasho la’aan ku eedeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu kula kulmay Madaxtooyada maamulka, isagoo la sheegay in Mas’uuliyiintaasi uu u jeediyay digniin kama danbeyn ah.

Lama oga shaqsiyaadka ay ku fooraarto Seefta C/wali Gaas oo isagu lagu eedeeyay inuu dayacay howlihii loo igmaday ee Puntland.Gaas oo qorsho cajiib ah la damacsan Xubno xilal ka haya Maamulkiisa

Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa wada qorsho xil ka qaadis loogu sameynaayo Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo xilal muhiim ah ka haya Maamulka Puntland.

Qorshaha xil ka qaadista Wasiirada ee uu damacsan yahay C/wali Gaas ayaa saameyn ku yeelan doonta ilaa Afar Wasiir oo la sheegay in xilka laga qaadi doono.

C/wali Gaas ayaa la xaqiijiyay inuu diyaariyay Shaqsiyaadka lagu bedeli lahaa Wasiirada uu la damacsan yahay xil ka qaadista, waxaana sidoo kale socda qorsho xilalka looga qaadayo ilaa Shan Mas’uul oo ka kala tirsan Hay’adaha amaanka, Maamulada Garoowe iyo Boosaaso.

C/wali Gaas ayaa dalka dibadiisa kala imaaday ilaa dhowr Siyaasiyiin kuwaa oo la filaayo inuu ku bedeli doono shaqsiyaadka iminka u calaameysan ee xilalka laga xayuubin doono.

C/wali Gaas ayaa dhawaan howl gudasho la’aan ku eedeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu kula kulmay Madaxtooyada maamulka, isagoo la sheegay in Mas’uuliyiintaasi uu u jeediyay digniin kama danbeyn ah.

Lama oga shaqsiyaadka ay ku fooraarto Seefta C/wali Gaas oo isagu lagu eedeeyay inuu dayacay howlihii loo igmaday ee Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Bosaaso

Caasimada@live.com