Howlwadeenada Villa Somalia oo wadnaha farta ku haya iyo Farmaajo oo laga sugayo…

Muqdisho (Caasimaada Online) – Wararka naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu diyaariyay liis dheer oo ay ku hardhan yihiin Howlwadeenada Villa Somalia, gaar ahaan Mas’uuliyiinta qaabilsan Waaxyaha ay ka kooban tahay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegay in Liiskaasi uu kaga tusaalo qaadanaayo Hanaanka ay u socto shaqooyinka Waaxyahay waxaana lasoo sheegayaa inuu isbedel ku sameynaayo Mas’uuliyiinta Waaxyaha iyo Howlwadeenada ka hoos shaqeeya Waaxyaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Waaxyaha qaar u dhiibi doona Shaqsiyaad kala soo shaqeeyay ololaha Doorashada, halka Waaxyaha qaarna uu burburin doono isla markaana ku biirin doono Waaxyaha uu u dhiibi doono shaqsiyaadka uu wato.

Waaxyaha la burburin doono iyo kuwa isbedelka lagu sameyn doono ayaa waxaa lagu tirtirayaa shaqsiyaadka horay ula shaqeyn jiray Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud kuwaa oo lagu dhaliilay howl-karnimo la’aan.

Sidoo kale, qorshaha Madaxweynaha ee isbedelka Villa Somalia ayaa la sheegay inuu yahay in Howlwadeenada qaar lagu biiriyo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowlada, si aan shaqo la’aan ugu dhicin Howlwadeenadaas.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha Somalia uu dhawaan sheegay in qorshihiisa uusan qeyb ka aheyn in la carqaladeeyo hanaanka ay ku socto shaqooyinka Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com