Aqriso qabiilada ay ka soo kala jeedaan wasiir ku xigeenada cusub

Muqdsiho (caasimada Online) – Caasimada Online oo ah shabakad aad uga barateyn dabagalka xaqiiqoyinka ayaa soo ogaatay qabiilada ay kasoo kala jedaan wasiir kuxigeenada uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kuwaas oo gaarayo ilaa 26 wasiir ku xigeen.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiska wasiir ku xigeenada oo dhameystiran iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan oo ay idiin soo diyaarisay Shabakadda Caasimadda Online.

  1. Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Daarood, Bartire.
  2. Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow, Wasaaradda Maaliyadda, Hawiye, Dagoodi.
  3. Xildhibaan Cabdulaahi Colaad Rooble, Wasaaradda Gaashaandhigga, Beesha Shanaad, Jareer Weyne.
  4. Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Gudabiirsi.
  5. Xildhibaan Fahmo Axmed Nuur, Wasaaradda Qorsheynta , Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Beesha Shanaad.
  6. Xildhibaan Cisman Maxamed Cabdi (Daalo) Wasaaradda Dakadda Iyo Gaadiidka Badda, Ujaadeyn.
  7. Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble, Wasaarada Gadiidka cirka iyo dhulka, Hawiye, Habargidir, Saruur.
  8. Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dhib u dhiska, Isaaq, Arab.
  9. Xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dalac, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Hawiye, Habargidir, Sacad, Reer Jalaf.
  10. Xildhibaan Xuseen Cusmaan Xuseen , Wasaaradda Caafimaadka
  11. Ciise Wehliye Maalin, Wasaaradda Cadaaladda, Hawiye, Murusade.
  12. Xildhibaan Cabdicasiis Carmaan , Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Beesha Shanaad, Carab Soomaali.
  13. Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane, Wasaaradda Gargaarka  iyo maareynta Musiinooyinka
  14. Xildhibaan Axmed Cumar Islow, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Hawiye, Wacdaan
  15. Xildhibaan Ibraahim Yarow Isaaq, Wasaaradda Batroolka iyo Isgaarsiinta , Mirifle/ Garwaale
  16. Xildhibaan Xaamud Cali Xasan, Wasaaradda Beeraha, Dir, Ciise.
  17. XIldhibaan Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Beesha Dir, Faqe Cumar
  18. Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar, Wasaaradda Haweynka iyo Xuquuqul Insaanka, Mirifle, Disow.
  19. Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow,  Wasaaradda Kullumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Biyamaal.
  20. Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim, Wasaaradda Korontada iyo Biyaha , Mirifle, Gawabweyn.
  21. Xildhibaan Cabdinaasir Saciid Muuse, Wasaaradda Amniga Gudaha, Majeerteen, Sawaaqroon.
  22. Xildhibaan Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka , Digil, Shanta Caleemood
  23. Xildhibaan Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasaaradda Warfaafinta, beesha Makaahiil (Sacad Muuse)
  24. Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha , Ajuuraan
  25. Mukhtaar Mahad Daa’uud, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ogaadeyn, tala-muge/cabdalle
  26. Maxamuud Cabdulqaadir Warsame , Wasaaradda Batroolka iyo macdanta, Mareexaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com