Shariif Xasan oo ku dhawaaqay inuu qaadi doono laba tallaabo oo deg deg ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka dhawaajiyey laba tallaabo oo uu si deg deg ah u qaadi doono  maalmaha soo socdo.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyey inuu dhawaan isku shaandeyn ku sameyn doono golihiisa wasiirada si uu yiri looga shaqeeyo horumarka maamulka koonfur Galbeed oo ay lagama maarmaan tahay inuu dhaco is badal la taaban karo.

Shariif Xasan ayaa wasiirada maamul koonfur Galbeed ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay qabteyn isla markaasna ay kusoo shaqeeyeen duruuf kala duwan oo xagga Ammaanka iyo dhaqaalaha ah.

“ Hadduu Alle idmo waxaan rajeenayaa inaan dhawaan isku shaandheyn ku sameeyo wasiirada koonfur Galbeed oo kusoo shaqeeyey duruufo kala duwan oo dhanka amaanka iyo dhaqaalaha ay ugu horreyso, gabdho iyo ragga intaba way ka kooban yihiin, waxaana rabaa inaan u mahadceliyo ka hor inta aysan dhicin isku shaandheyntaas” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Wasiirada koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyey inay yihiin kuwa aan waxtar laheyn waxaana ilaa hadda ka arko shaqada ay qabtaan wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo midda Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka.

Dhanka kale Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo inuu dib u soo celiyo kaabayaashii dhaqaalaha ee uu lahaa, sida in la furo garoomada diyaadaha iyo isu socodka deegaanada maamulkiisa.

“Waxaa ku tala jirnaa inaan dhowaan dib u furno garoonka diyaaradaha Nambar 50, waxaa hada dayactir ku socda garoonka diyaaradaha Baraawe”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlayay telefishinka Universal.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in dhowaan ay u guuri doonaan magaalada Baraawe oo ah xarunta Maamulka Koofur Galbeed, isagoo tilmaamay in meel gabo gabo uu marayo dayactirka garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com