Wararkii ugu dambeeyey magacaabista golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa wali ku guda jira xulashada xubnaha Golaha Wasiirada xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa inta badan kasoo jeestay la kulanka dhinacyada uu khuseeyo wax ka dhisida Xukuumada Somalia, walow ay jiraan kulamo yar yar oo wali harsan.

Ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha ayaa sheegaya in Kheyre uu dedejinayo soo magacaabista wasiirada si ay dhaqso u shaqo billaabaan,iyagoo wajahaya marxadaha adag ee u dalka ku dhex jiro.

Kheyre waxa uu sheegay inay muhiim tahay in si dhaqsi ah lagu magacaabo Golaha Wasiirada, isagoo sababta ugu weyn ku sheegay inay u guda galayaan xalinta dhibaatooyinka muuqda sida Abaaraha ka taagan Gobolada dalka.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in kulamo gaar ay oo ay wada qaateen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay isku afgarteen muhiimada ay leedahay in xilli hore la soo magacaabo golaha wasiirrada, taaso sahlaysa dowladda cusub inay si rasmi ah u shaqo bilowdo.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in liiska golaha wasiirada qaarkood ay diyaarsan yihiin, waxaana durbaba soo shaac baxaya shaqsiyaad loolan ugu jira xilalka darajada sare ee wasaaraddaha.

SIdoo kale, Ra’isul wasaaraha ayaa sida dastuurku qabo waxaa laga sugayaa muddo 30 cisho gudaheeda inuu Golaha Shacabka ugu soo gudbiyo Xukuumaddiisa cusub si loogu qaado codka kalsoonida.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegayaa in Golihiisa uu ku dhawaaqi doono ilaa iyo maalinta Arbaca ee fooda nagu soo heysa, sida aan xogta ku heleyno.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com