Sheekh Bashiir oo war kasoo saaray ‘arrin munkar weyn ah’ oo kusoo korortay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa markii u horeysay ka hadlay bandhig dharka lagu xayeysiinayo oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Sheekh Bashiir oo la hadlay idaacada KNN ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay bandhig dharkaas lagu xayeesiinayay oo ay ku soo wada bandhigayeen dad iskugu jira rag iyo dumar.

“Runtii waa munkar weyn maxaa yeelay Ilaahay SWT waxa uu na amraya in indhaha laga laabto jinsiga kale, waxay midaasina u saacideysa in uu indhaha ka laabto inuu dhowrsanaado,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Waa macsidii oo la amaanayo oo loo sacabinayo, waana ka digeyna waxaana leenahay dadka noocaas ah Ilaahay ha ka baqaan, markaa waa ka digeyna si kale ha loo shaqeysto oo ha loo xamaasho.”

Sidoo kale wuxuu u digay dadka bandhigyada noocaas ah soo abaabula, isagoona faray in si kale wax u soo bandhigaan oo ka madhan xaaraan iyo in la soo minguuriyo dhaqan gaalo, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii gaalada dhaqankooda iyo afkaartooda la qaato hadda kadibna caqiidadooda la qaadanaya, markaa sheygii xaaraanta ah haddii laga dhigayo xalaal oo la soo bandhigo oo la iskugu imaanayo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in waxa Diinteena Islaamka naga xaraantimeysay aan la xalaashan, islamarkaana aan laga baayacmushtarin dadka diintooda iyo akhlaaqdooda.