KOOFI oo XILKA laga qaaday iyo golaha wasiirada DF oo magacaabay agaasime cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka aan caadi aheyn ee maanta duhurkii ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada XFS ayaa waxaa lagu ansixiyey xil ka qaadista Agaasimihii hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Golaha uu sidoo kale ansixiyey magacaabista Agaasimaha cusub ee hay’addaas oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali.

“Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & linsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay” adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble.

Kulanka maanta ee Golaha ayaa ahaa mid aan caadi aheyn, waxaana Wasiirada xalay saq-dhexe loo diray farriin loogu wargelinayo kulanka maanta oo qabsoomay labadii duhurnimo.

Kulankan ayaa daba socda shirkii Khamiistii dib loo dhigay oo todobaad kastaa ay yeeshaan xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu gorfeeyo xaaladda guud ee dalka.

Koofi ayaa ka mid ahaa agaasimayaashii ugu xilka dheeraad ee soo maray dowladda federaalka, wuxuuna xilka hayey xilligii Xasan Sheekh, wuxuuna markii uu Farmaajo yimid noqday dad faro ku tiris ah oo aan xilkooda la taaban.