Sheekh SHAAKIR oo shaaca ka qaaday sababta ay uga baxeen degmada Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaac ayaa war xasaasi ah ka soo saaray dagaalladii cuslaa ee ka dhacay Guriceel iyo sababta rasmiga ah ay uga baxeen gudaha magaaladaasi.

Sheekh Shaakir ayaa marka hore ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay degmada Guriceel intii ay dagaalladu socdeen, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Sababta ay dib uga baxeen magaalada Guriceel waxa uu ku sheegay inay ku timid, kadib codsi ka yimid ganacsatada, bulshada rayidka ah, Senataro iyo siyaasiyiin reer Galmudug ah, ayna aqbaleen, iyaga oo u turayo dadka iyo deegaankaba , sida uu hadalka u dhigay

”Waxaan rabaa in aan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan Shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa Ummadda Soomaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay culimada, cuqaasha , ganacsatada , siyaasiyiinta , midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna shacbigeena,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca oo qoraal soo saaray.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dhanka kale xusay inuu aad uga xun yahay wixii ka dhacay magaalada Guriceel, gaar ahaan burburka iyo barakaca ka dhashay dagaalladii dhacay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku ballaameen, iyaga iyo dhinacyada kale ee  wada-hadallada garwadeenka ka ahaa inay dagaan ciidamadooda deegaanka Bohol oo uu markii kasoo billowday dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in laga codsaday inay wareejiyaan gaadiidka dagaal ee ay horay uga qabsadeen Galmudug, ayna wareejiyeen gaadiidkaasi oo labo ahaa.

Ugu dambeyn Sheekha ayaa u mahadciyey shacabka iyo ganacsatada Guriceel ee sida weyn u taageeray muddadii ay ku sugnaayeen gudaha magaaladaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, kadib dagaallo maalmo qaatay oo ka dhacay Guriceel, kuwaas oo ugu dambeyn sababay in ciidanka Ahlu Sunna ay isag baxaan magaaladaasi.