Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dalbaday in dastuurka laga saaro qodobka 11-aad kadib arrintii lagu sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dhawaan isku sharaxay kursi kamid ah Aqalka Sare gaar ahaan kuwa Galmudug, islamarkaana loo diiday inuu tartamo ayaa ka hadlay sababtii keentay in laga hor-istaago tartanka.

Sheekh Caynte oo wareysi siiyey taleefishinka Goobjoog ayaa sheegay in la xiray kursigii uu u tartami lahaa, isagoo xusay in si cad loogu sheegay inuusan ka qeyb gelin karin tartanka. Kursigaas ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer.

“Ilaa hadda ma jirto cid fasiraad ka bixin karta sababta la iigu diiday inaan tartamo, kaliya waxaa ogahay in la i dhahay ma tartami kartid kursigaas waa la xiray, waxaana ii muuqatay markaas inay jiraan shakhsiyaad loo xirayey,” ayuu Sheekh Yuusuf.

Sheekha ayaa sheegay in dadkii arrintaan sameeyey ay taariikhda u geli doonto, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.

“Anaga waxaa leenahay diin iyo qiyam, ma rabo inaan si aan habooneyn uga falcelino, dadkii sameeyey ayey taariikhda u geli doontaa waxayna qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirto,” ayuu yiri.

Yuusuf Ceynte ayaa tilmaamay in waxa lagu sameeyey ay aheyd wax la isla ogaa, islamarkaana uusan hadda diyaar u aheyn inuu sheego magacyada dadkii ka dambeeyey isagoo si cad u sheegay inay mas’uuliyadda qaadi doonaan dadkii dhahay anagaa hor kaceyno doorashada.

Ugu dambeyntii Sheekha ayaa ku baaqay in dastuurka laga saaro qodobka xusayo in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu tartamo maadaama uu sheegay ay taas dhici weysay.

“Waa in Dastuurka laga reebo qodobka 11-aad ee dhahaya (qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto ama la doorto) sababtoo ah waa shaqeyn waayey, waa in lala sugaa inta ay dadka ka fahmayaan in qodobkaas shaqeyn karo,” ayuu yiri.