Dagaalyahan Al-Shabaab ‘ka tirsan oo qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid’

Kisumu (Caasimada Online) – Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid iyo naftiisa, deegaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu ee dalka Kenya, sida uu qoray wargeyska The Star oo soo xiganaya booliiska.

Is-miidaamiyaha oo magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek, loona yaqiin Pope, ayaa tegay guriga Petro Onyango iyo xaaskiisa Mary Atieno oo ay wehliso gabadhooda Nancy Aoko, wuxuuna kadib weydiiyey su’aalo. 

Waxyar kadib waxaa qarxay walxo qarxo oo uu xirnaa, halkaasi oo ay ku dhinteen isaga iyo labadiisa waalid oo ahaa 55 jir. Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii Talaadada ee xalay.

Gabadha lamaanaha ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay qaraxa, lana geeyey isbitaalka. 

Ilo-wareedyo ka tirsan booliska ayaa The Star u sheegay in is-miidaamiyaha uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, uuna adeegsaday walxo qarxa oo uu farsameeyey kadibna ku xirtay dhexda si uu isugu miidaamiyo waalidkiis. 

Pope ayaa lagu warramay in sidoo kale uu 17-kii December 2020 isku dayey inuu gabar ay saaxiibo ahaayeen oo aheyd 16 jir ku dilo guriga ay kireysteen oo ku yaalla xaafadda Katito, sababo la xiriira inay sameysay galmo ka baxsan guurka. 

Sida ay sheegeen booliska, wuxuu bam uga dhex-tagay guriga taasi oo qaraxday kadibna dhaawacday gabadha, wuxuuna kadib ka cararay magaalada ayada oo aan dib loo arkay kahor qaraxii xalay. 

Is-miidaamiyaha ayaa la sheegay inuu shan sano kahor ka tagay magaalo xeebeedka Mombasa kuna biiray kooxda Al-Shabaab. 

Karanja Muiruri oo ah madaxa booliska Nyanza ayaa sheegay inay falkii xalay ula macaamilayaan inuu ahaa mid argagixiso. 

“Waxaan isku dayeynaa inaan ogaano halka uu jiray bilihii tegay. Tani waa arrin halis ah, waana ku raad joognaa,” ayuu yiri Karanja Muiruri.