Daawo: Xasan Daahir Aweys oo mowqif lama filaan ah ka qaatay hadalkii Buurmadow

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa taageeray hadalkii Boqor Cusmaan Buurmadow ee dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay dhibsadeen, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ka jirto laba dowladood oo kala ah, Al-Shabaab iyo dowladda federaalka.

Xasan Daahir ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed ay wada qirsan yihiin in Al-Shabaab ay yihiin dowlad loo raadsado cadaaladda, sidaas darteed hadalka Boqor Buurmadow uusan aheyn mid qaldan.

Sidoo kale Xasan Daahir ayaa sheegay in cudur-daarka Boqorka uu yahay mid macquul ah oo ay ku qanci karto cidii horay uga carootay, maadaama meesha uu hadalkaas ka yiri ay aheyd goob qabaa’il ku kaftamaayey.

“Boqorku nimankaas mabda’ ayaan ku taageersanahay ma dhihin ee waaqic jira ayuu sheegay, kaftankana waa laga gashan karaa, oo warkaas waa mid ku imaan kara kaftan,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Sheekh Xasan ayaa siyaasiyiinta Hawiye ku dhaliilay in kaftanka iyo siyaasadda aysan kala aqoon, “Waaqic jira ayuu ninkaasi ka hadlay, si waaqici ah ayuuna uga hadlay, waana runtiis intii uu sheegay,”ayuu yiri Wadaadkaan xabsi ku guriga ah Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay safaf dhaadheer u galaan cadaaladda Al-Shabaab, taas oo cadeyneysa in Al-Shabaab ay dowlad yihiin, sida hadalkiisa uu u dhigay.

“Nimanku inay dowlad yihiin idinkaa marqaati ka ah, dadkii ayaaba u safan oo cadaaladii ay dowladda ka waayeen ayey u doontaan, wax kasta ayey u kala xukumaan dadka, waana raganimo iyo dowladnimo in cadaalad la idinka waayey Al-Shabaab loo doonto,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Waxa uu sheegay in mar kasta ay u yeeraan odayaasha dhaqanka qabaa’ilka is qabta, isla markaana ay u kala gar-qaadaan oo diinta fahamsiiyaan, “Odayaasha qabaa’ilka inta kala xaliyaan oo hadey rabaan lacag soo siiyaan ayey soo diraan,” ayuu yiri.

Xasan Daahir ayaa raganimo ku tilmaamay cudur daarkii uu bixiyey  Boqor Buurmadow, maadaama dadkii ay fahmi waayeen u jeedka hadalkiisa.

“Warkii uu sheegay Boqorku waxuu ahaa mid isaga umunaasab ah, meeshii uu ka yirina munaasab ku ahaa, hadii uu ka tacsiyeeyey geeridii Axmed Godane waa raganimo waa wiilkiisii,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale Xasan Daahir ayaa Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi waxa uu ku macneeyey nin aan garaneyn hadafkiisa, “Fiqiyow hadda ka hor waxaan ku iri dowladna ma taqaanid, diina ma taqaanid, hadana waxaa cadaatay in aadan dhaqanka aqoonin,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Waxa uu sheegay in Axmed Fiqi uu taageeray dad diintii haleeyey oo dowladnimadii haleeyey oo dhaqankii haleeyey, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Sunna oo Axmed Macalin Fiqi uu dartood isaga casilay xilkii wasiirka amniga Galmudug, kadib markii Qoor Qoor ku adkeystay in Guriceel uu ku weerarayo.

“Fiqiyow adigoo ninkaas ah ayaad hadana nin Boqor ah hadal uu yiri waxaas oo war xumo ah kasoo saartay, waxaa iigu dareed markii uu yiri ‘dadkii uu Godane laayey waa in Boqorku bixiyo’ aan xisaabtano marka, inta Godane laayey iyo inta UNC iyo Caydiid laayeen yaa badan? Si qaab daran ayaad waliba dadkaas u leyseen, aniga ayaa is dul-taagay oo arkay 17 qof oo biri-mageydo ah oo guryahooda aad kala soo baxdeen oo aad xasuuqdeen, kadibana qaab loo aaso la garan waayey,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Xasan Daahir.

Hoos ka daawo