Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq weyn ayaa ka dhex bilowday Labada garab ee maamuleysa doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay sii daayey warqad uu ku joojinayo 16 Kursi oo kamid ah kuwa reer Waqooyiga oo dhawaan la filayey in lagu doorto magaalada Muqdisho.

Waxa uu sababta ku sheegay in la hubinaayo cuqaasha iyo hufnaanta doorashada, balse garabka Mahdi Guuleed waxa ay sii daayeen isla shalay magacyada odayaasha xuli doona illaa 4 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Kooxdaan horay uma faafin jirin odayaasha dhaqanka ee xulaya ergada, laakiin waxaa lagu tilmaamay ujeedka ay shalay u faafiyeen in lagu daboolayo xaaladda cusub ee soo korortay.

Xalay guddiga doorashada Somaliland, gaar ahaan garabka ka yimid dhinaca guddoomiye Cabdi Xaashi oo 4 xubnood ahaa faafiyey warqad ay ku ayideen hadalkii shalay kasoo baxay Cabdi Xaashi, waxayna sheegeen in sidaas lagu hakiyey 16-kaas kursi ee kamid ah kuraasta reer Waqooyiga.

Haddaba waxaan warbixintaan ku eegeenaa xudunta khilaafka cusub ee u dhaxeeya Mahdi Khadar Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada nin waxay in muddo ah isku hayeen awoodda maamulka doorashada reer waqooyiga, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa kal hore xaliyey khilaafkooda, doorashada ayaana socotay waayadaan.

Si isku dhow ayey xubno ugu yeesheen Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, laakiin markii la yimid doorashada Aqalka Hoose waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed lagu eedeeyey sad-bursi iyo inuu rabo in kursi walba isagu qorto odayaasha iyo ergada, si uu u soo saaro xildhibaanada uu rabo madaxweyne Farmaajo.

Xubno kamid ah kuwa reer Waqooyiga ayaan la hadalnay si aan wax badan uga ogaano khilaafka cusub, waxayna noo sheegeen in Mahdi rabo inuu kaligiis maamusho doorashada Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

“Markii la qorayo odayaasha soo xulaya ergada kursi walba, wuxuu rabaa Mahdi Guuleed in loo qoro cuqaasha taageersan musharaxa uu wato, si ay u soo qoraan ergo la hubo inay dooran doonaan xubinta uu wato,” ayuu yiri kamid ah xubnaha aan la hadalnay.

Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu kula dhagay markaan, wuxuu miiska la yimid dood la sheegay inay maangal tahay. Dooda Cabdi Xaashi waxay tahay noo qeebi cuqaasha xuleysa ergada kursi walba, haddii aadan ogoleyn noo qeebi kuraasta oo nin walba kuraasta xagiisa ka imaaneysa isaga ha maamusho cuqaasha iyo ergada.

Mahdi waxaa la sheegay inuu taas ka biyo diiday. Cabdi Xaashi markii uu waayey qeybtiisii oo loo diiday in dhexda la dhigo kuraasta iyo maamulka doorashada reer Waqooyiga wuxuu ku qasbanaaday inuu doorashada hakiyo.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isagu u shaqeynaya madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uusan rabin in la qeybsado kuraasta golaha shacabka. Villa Somalia ayaa xubno badan oo ay kuraas u rabtay waxay u soo dhiibtay Mahdi.

Haddii la isla fahmo in awoodda dhexda la dhigto oo cuqaasha iyo ergada la qeebsado masoo bixi karaan xubno badan oo uu wado Mahdi Guuleed, kuwaas oo la sheegay in aysan wax saameyn iyo sumcad ah ku dhex laheyn bulshada reer Waqooyiga ee joogta magaalada Muqdisho.

Khilaafkaan cusub ayaa si weyn u saameyn kara geediga doorashada dalka, cabsida ugu badan waa in uusan Mahdi Guuleed kusoo qancin karin Fahad iyo Farmaajo inuu Cabdi Xaashi la qeybsado maamulka kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Dhawaan waxaa Cabdi Xaashi lagu eedeeyey inuu indhaha ka dabooshay kuraas la sheegay in si cad loo boobay oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga.

Xiisadaan cusub ee Mahdi iyo Cabdi Xaashi waxay durba kala qeybisay guddigii maamulayey doorashada reer Waqooyiga, wuxuuna buuqaan kusoo aadayaa iyadoo masuug badan laga keenay guud ahaan sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka reer baarlamaanka federaalka oo socota.

Xubnaha u sharaxan kuraasta reer Waqooyiga qaarkood waxay sheegeen inay arrintaan tahay baraarug fiican oo sahli doonta in si furan loogu tartamo kuraasta dhiman.