Muxuu yahay ujeedka shirka xasaasiga ah ee maanta ka furmay Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir lagu howlgelinayey guddiga hoggaaminaya qorshaha ay ciidanka xoogga Soomaaliya ammaanka dalka ay ugala wareegayaan ciidamada AMISOM.

Taliyeyaasha ciidamada xoogga, booliska iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay furitaankii shirkaas, iyagoo halkaas hadallo koo-kooban ka jeediyey.

Wakiillo ka socda hey’adaha ammaanka ee dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xubno ka socda xafiisyada sare ee hey’adaha dowladda federaalka ayaa qeyb ka ah guddigaan oo ka shaqeyn doona dejinta istaraatiijiyad ay Soomaaliya ku hana karto ammaanka guud ee dalka waqti dhow.

Wasiirka gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo ka hadlay furitaankii shirkaas ayaa yiri, “14-sano ciidamo ajanabi ah ayaa dalkeena joogay, intaas ciidamo qaran ayaa noo dhismaayey, hada waxaan leenahay ciidamo  aad u firfircoon, xubnaha guddiga waxaa laga rabaa labadaan maalmood inay dejiyaan qorshe culus oo caalamka aan la hor tagno oo aan dhahno Soomaaliya qorshahaan ayey qaadatay.”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulankaas ka yiri, “Waxaan laga hadlayaa amniga dalka, waxaana la rabaa in dhammaan hey’adaha ammaanka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay hal aragti ka wada yeeshaan, kulankaan waxuu sal u noqon doonaa mideynta iyo jiheynta awoodaha aan heysano, taasina waxay fursad noo sii doontaa in hal dhinac loo jiheeyo ammaanka Soomaaliya.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulankaas ka yiri, “Hawl-gelinta Guddigai waxay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigaan waa goobta looga doodaayo, lagana jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan wax-yaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabadaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, si aad u soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.”

Dhankiisa wasiirka amniga XFS Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa yiri, “14-sano ka hor waxaa laga hadlaayey sidii dalkaan ciidamo shisheeye loo keeni lahaa, maanta waa qaangaar ah caruurtii dhalatay markii lasoo bilaabay ka hadalka ammaanka Soomaaliya, waxaan ka rajeynayaa saraakiishaan aadka u dhisan inay howshaan loo xil-saaray si taxadar leh u gutaan.”

Mas’uuliyiintii ka hadashay furitaanka shirkaas oo Muqdisho ka socon doona labada maalmood ee soo socota ayaa waxay cadeeyeen in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in loo meeriyo go’aan aan aheyn kan ay soo gaaraan guddiga maanta fariistay ee ka socda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Muran culus oo caalami ah ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Soomaaliya dooneyso in AMISOM ay ugala wareegto ammaanka dalka, Midowga Afrika oo ciidamo ay ka joogaan dalka ayaa u ololeynaya in waqtiga joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya la kordhiyo, sidoo kalena dalka la keeno ciidamo hor leh oo ka socda Qaramada Midoobey, balse dowladda Soomaaliya ayaa si adag ugu gacan seyrtay soo jeedintaas, waxaana weli ka taagan khilaaf culus.