Dowladda Kenya iyo QM oo isku haya go’aan saameyn kara kumanaan Soomaali ah

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in xilliga kama dambeysta ah ee ay xireyso xeryaha qaxootiga ee Kakuma iyo Dhadhaab ay noqon doonto June 2022-ka, xilli ay Qaramada Midoobay ay waddo dadaalo ay ku dooneyso inay weli sii furnaadan xeryahaasi.

Wada-hadalo ku aadan xirista xeryahaas ayaa u socda Dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay waxay yeelanayaan kulan looga heshiinayo waqtiga kama dambeysta ah ee qorsheynayso Kenya.

Walaaca xirista xeryahaas ayaa kasii daraya kadiba markii ay hay’adda dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn ee MSF ay ka digtay in dadkaas lagu riixin inay ku laabtaan Soomaaliya oo uga sii dari karto arrinta, aysan ahayna mid keeni karta xal waara.

Warbixinta MSF ayaa sheegaysa in xiritaanka xeryaha qaxootiga ay horseedi karto dhibaato cusub oo barakac ah, maadaama ay gabi ahaanba ku qasbi doonto hay’adaha samafalka in ay ka baxaan gobolka, taasina ay keenayso in dhaqaalaha xerada uu burburo.

“Xiritaanka xeryaha qaxootiga ee la qorsheeyay bisha Juun 2022 waa inay noqotaa fursad lagu dardargelinayo geeddi-socodka xal-u-helidda qaxootiga,” ayay tiri Dana Krause oo ah madaxa MSF ee Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa bishii Juunyo ee sannadkii hore ayaa ku dhawaaqay in la xirayo xeryaha Kakuma iyo Dhadhaab, oo ay qeyb ka yihiin Soomaali badan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii