“Sheekadii na dhex-martay Lafta-gareen habeenkii uu tartanka ka reebay JAWAARI”

Baydhaba (Caasimada Online) – Cumar Cabdi Axmed oo ka mid ahaa musharaxiinta kursiga Hop103 ee laga boobay guddoomihiyii hore ee golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka sheekeeyey qaabkii loogu diiday tartanka isaga iyo Guddoomiye Jawaari.

Cumar ayaa sheegay inuu ahaa musharaxii ugu horeeyey ee shaaciyey inuu u tartamayo kursigaas, isla markaana mudo shan jeer ah uu la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

“Markii doorashadu bilaabatay Baydhabo ayaan tagnay, Madaxweyne Cabdicasiis waxaan is aragnay ugu yaraan shan jeer, fursad uma aana yeelan in aan la shiro oo habeen kasta balan hor leh ayuu ii qabanayey, laa ay dhacday doorashadii kursiga lagu boobay,”  ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in habeenkii ugu dambeeyey ee fursada uu u helay inuu la shiro madaxweynaha uu ugu bishaareeyey in kursiga uu ka diray Prof. Jawaari, taas oo sida uu sheegay ay ku murmeen isaga iyo Lafta Gareen.

“Habeenkii ugu dambeysay oo ay ii suurta gashay in aan kulano Lafta Gareen, markii aan u galay xafiiska ayuu igu yiri bishaaro Prof. Jawaari waan ka diray kursiga, waxaan ku iri Madaxweyne soo muwaadin maaha, oo xaq uma laha inuu  tartamo, sidee uga dirtay kursiga? Kadibna waxuu igu yiri arrintaas odayaasha cida ayaan kala hadlaa ee habeen dambe ii soo laabo,” ayuu yiri  Cumar Cabdi.

Waxa uu sheegay in habeenkii xigay uu ku soo laabtay madaxtooyada si uu ula kulmo Lafta Gareen, “Habeenkaas waxuu igu yiri odayaashii waxay i dhaheen kursi in qof loo diido qofna loo ogolaado inuu u tartamo wax aan ogolaa karno maaha, waana iga tageen,” ayuu yiri Musharax Cumar Cabdi.

Intaas kadib waxa uu sheegay in habeenkii dambe ay ka war heleen in la diiwaan geliyey musharaxa kursiga loo boobay oo ahaa wasiir ka tirsanaa xukuumaddaLafta Gareen, sidaasna ay maalinkii ku dhacday doorashadu.

“Waxaan u tegay guddiga doorashada, guddoomiyaha ayaa igu yiri wax lacag ah ha iska bixin, anaga madaxweyne Lafta Gareen waxuu nagu yiri qofkii aan idiin soo diro siiya kursiga oo diiwaan geliya, Cabdicasiis waxa uu noo soo diray qofkaas ee lacag ha iska bixin,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xilli habeen ah la diiwaan geliyey musharaxii loo boobay kursiga, kadibna uu malxiis ka dhigtay askari ilaalo u ahaa, sidaasna lagu boobay kursigii uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hoos ka daawo