Shabaab oo weerar culus ku qaaday garoonka Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xalay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan kuwa AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa mid culus uu ku billowday madaafiic, waxaana xigay hub waa weyn oo ay iyaguna ku jawaabeen ciidamada Burundi ee ku sugan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka ay is-weydaarsanayeen labada dhinac iyo dagaalka toos ah oo xigay.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi hoobiyeyaasha ku billowday iyo dagaalka dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab oo qoraal kooban soo saartay ayaa shaacisay inay dagaal dhowr jiho ah ay ku qaaday garoonka Jowhar oo ay sheegtay in xilligaas ay ku sugnaayeen saraakiil Cadaan ah, kuwa Afrikaan ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa Bangaraafta, sida ay hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee HirShabelle iyo kuwa AMISOM oo ku aadan dagaalkaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa maanta deggan, balse waxaa lagu soo warramayaa inay ciidamada huwanta oo iskaashanaya ay bilaabeen howl-galo lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyey weerarka.

Jowhar ayaa waxaa ay ka mid ah tahay magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, waxaana badi weeraro ku soo qaado Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii