Askarigii ka dambeeyey dilka ciyaartoydii Beledxaawo oo xukun adag lagu ridday

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, qeybta 27-aad ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah Maxamed Cali Xuseen oo ka tirsan hay’adda nabad sugida, isla-markaana lagu soo eedeeyey dilka laba ciyaartoy oo dhowaan ka dhacay garoon ku yaalla magaalada Beledxaawo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Maxamed ayaa lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumiinta kala ah Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharmaake Cabdullahi oo ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, qeybteeda 27-aad oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in dable Maxamed Cali Xuseen lagu helay dacwadda dilka ah ee lagu soo eedeeyey, wuxuuna sheegay inuu si bareer ah u furay rasaasta isla-markaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Dilka labada dhalinyarada ah oo caan ka ahaa Beledxaawo ayaa dhaliyey caro xoogan, maadaama uu ka dhacay garoon ay ciyaar ka socotay, kuna sugneyd bulsho badan.

Aadan Cumar Barkhadle oo ka mid ah waxgaradka deegaanka, isla-markaana aqoon qoto dheer u lahaa dhalinyarada la dilay ayaa wuxuu sheegay inay ahaayeen ubaxa hadda soo kacaayey, islamarkaana aad u firfircoonaa, bulshaduna ay si weyn uga  muuqdeen.

“Labada wiil ee ka midka ahaa dhalinyarada ciyaartoyda ee degmada Beled-xaawo weliba kuwooda la oran karo waa ubaxii hadda soo kacaayey oo ugu yar yar laba nin oo maashaa allaah oo firfircoon-bey ahaayeen oo aad u wanaagsan, aad loo jecelyahay,” ayuu yiri.

Si kastaba, xukunka ay maanta ridday maxkamadda ciidamada oo aad loo soo dadajiyey ayaa waxaa soo dhoweeyey ehellada marxuumiinta & inta badan shacabka Beledxaawo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii