IRAN oo wajaheysa weerar – Maxay Israel iyo Mareykanka maanta billaabayaan?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha difaaca Mareykanka iyo Israel ayaa maanta billaabaya dhoola-tus militari oo loogu diyaar garoobayo weerar lagu burburiyo goobaha Nukliyeerka Iran, haddii ay guuldarreystaan dadaallo diblomaasi oo socda.

Kulanka maanta dhex-maraya saraakiisha Mareykanka iyo wasiirka difaaca Israel Benny Gantz ayaa daba socda warbixin ay madaxda wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka 25-kii October u gudbiyeen la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan oo la xiriirtay tallaabooyinka militari ee la qaadi karo si loo xaqiijiyo in Iran aysan helin hub Nukliyeer ah.

Diyaar-garowga Mareykanka iyo Israel, oo xogtiisa ay heshay wakaaladda warraka Reuters, ayaa astaan u ah heerka uu la egyahay walaaca ay Reer Galbeedka ka qabaan sida ay u adag yihiin wada-hadallada Nukliyeer ee lala leeyahay Iran.

Wada-hadalladaas ayaa madaxweyne Biden uu doonayaa inuu dib ugu soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeer ee la gaaray 2015, kuwaas oo uu ka baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Hase yeeshee saraakiisha Mareykanka iyo Yurub ayaa niyadjab ka muujiyey dalabyada Iran iyo shuruudaha adag oo ay soo bandhigtay si heshiiska dib loogu soo cusbooneysiiyo. 

Saraakiisha Mareykanka way diideen inay faah-faahiyaan nooca dhoola-tus militari ee ay sameynayaan.

“Waxaan ku suganahay xaaladdan adag sababtoo ah barnaamijka nukliyeerka Iran wuxuu horumarkiisu gaarayaa heer aad u sarreeya,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters. 

Hay’adda tamarta adduunka ee IAEA ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in Iran ay billowday kobicnta macdanta uranium-ka ee la gaarsiiyey saafi ahaan 20%. 

Taliyaha ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Amir Ali Hajizadeh ayaa horey u sheegay in Israel ay u qoran tahay “ in la cirib-tiro” islamarkaana tallaabo kasta oo ka dhan ah Iran oo ay qaado ay taasi soo dedejin doonto.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Tehran, ayaa Amir Ali Hajizadeh wuxuu ugu jeesjeesay Israel “inay tahay taliska kaliya ee dunida ka jira ee ka doodaya sidii ay ku badbaadi lahaayeen.”

“Taliska Sahnuuniyadda ee ka hadlaya jiritaankooda waxaa u qoran baaba’ mana ka hadli karaan burburinta dalal kale,” ayuu yiri Amir Ali Hajizadeh oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Tasnim.

“Haddii ay ku adkeysanayaan inay xaddidaan awoodaheena gantaallo iyo diyaaradaha drone-ka, waxay taasi muujineysaa awooddeena.”

“Ma dooneyno inaan qeexno awooddeena, sababtoo ah cadowga ayaa si ku filan uga hadla gantaallada Iran iyo difaaceenna,” ayuu yiri.

Isaga oo ka jawaabaya hadalka saraakiisha Israel ayaa waxaa u yiri “Dalka Yahuudda ah dagaal waa uu billaabi karaa, balse Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa kusoo afjari doonta cirib-tirka taliska Sahnuuniyadda.”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii