Sheeko yaab leh: Kenya oo 200 oo geel u diyaarisay ka hortaga qaraxyada Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa tababar usoo xirtay daraasiin geel ah oo loo tababaray inay wax ka qabtaan amni-darrada ka jirta dalkaas, gaar ahaan qaraxyada.

Illaa 200 oo neef oo geel ah oo caafimaad ahaan la daaweeyey ayaa lagu tababaray inay diyaar u noqdaan howlgal ku saabsan inay meel fog kasoo baaraan waxyaabaha qarxa, gaar ahaan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya iyo buuraha Kenya ku yaalla oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Geela ayaa waxaa lagu tababaray meelo kala duwan oo ay ku jiraan dhul sare iyo mid joog hoose, si ay ula qabsadaan xaalad kasta, waxaana meelaha lagu tababaray kamid ah: Buuraha Cherengany, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa 14-kii bishaan ka qeyb galay xaflad ka dhacday Isiolo oo lagu soo bandhigay tartan loo qabtay geelaan la tababaray, sida uu qoray wargeyska The Star.

Dowladda Kenya waxay sheegtay, sida Eeyaha iyo fardaha, in Geela hadda loo tixgalin doono in ay yihiin farac gaar ah, loona bixin doono magacyo iyo darajooyin.

“ Eeyahay booliska ah waxaa la siiyaa darajooyin, waxaan hadda wadnaa dadaal aan ku dooneyno sidii Geella looga faa’ideysan lahaa si looga hortago qatarta,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa wado qorshahaan.

Saraakiisha howshaan wado ayaa sheegay inay jirto cabsi ku aadan in iyadoo laga faa’ideysanayo dagaalka Ukraine ka socda in halkaas laga soo daabulo hub ay ka mid yihiin bambaanooyin lana soo gaarsiiyo dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada wax looga qabanayo amni-darrada ka jirta deegaanka, saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa deegaannada kala duwan ee dalka ka socday hannaanka lagu ogaanayo laguna tababarayo daraasiin geel ah.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah Kenya ka dhacayay qatarta weeraro loo adeegsaday walxaha qarxa.

Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in Kenya ay ku weyday in ka badan 100 ka mid ah saraakiisha ammaanka iyo dad rayad ah oo ku dhitay qaraxyo la soo dhigay waddooyinka.

Ma cadda inta ay qaadan doonto in wax laga qabto khatarta hadda ka taagan xuduudka dheer ee Kenya iyo Soomaaliya iyo amni darro ka jirta dalka deriska la ah.