Sawirro: Shiinaha oo ballan-qaad culus u sameeyay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaad culus oo ku aadan dhanka caafimaadka u sameyay dowladda federaalka, kadib kulan maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxa uu si gaar ah u dhex-maray wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Ali Haji Adam iyo safiirka Shiinaha Fei Shengchao oo booqasho ku tegay xarunta wasaaradda.

Sidoo kale waxaa kulankan oo ahaa mid xasaasi ah goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka, Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xoojinta Saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo kor u qaadista iskaashiga Wasaaradaha Caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya.

Intaasi kadib Danjire Fei Shengchao oo madasha ka hadlay ayaan ballan qaaday in dowladdiisa ay wax yaabo badan ka caawin doonto qeybta caafimaadka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya wasaaradaha caafimaadka dalalka horumaray, si loo xaqiijiyo yoolka wasaaradda ee ku aadan xaafimaad tayo leh oo dhammeystiran, kaas oo laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada xooggan siiya dowladda federaalka, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo dhowr ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira dalka.