Garowe (caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Puntland C/.welli Maxamed Cali Gaas ayaa shan maalin oo uu ku sugnaa magaalada muqdisho kadib ku laabtay maanta magaalada Garowe, isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe.
C/welli Gaas ayaa markii uu ku laabtay magaalada Garowe wuxuu sheegay in magaaladaasi ay ka furmi doonaan shirar muhiim ah oo uu ugu horeeyo shirka dib u eegista loogu sameynayo dastuurka dalka Soomaaliya, maadaama horey loogu hishiiyay in shirkaasi lagu qabtaa magaalada Garowe.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu isagoo qanacsan la laabtay magaalada Muqdisho, sababtoo ah madaxweyne Xasan Sheikh oo awood madaxweyne ku ansixiyay hishiiskii bishii lasoo dhaafay Muqdisho lagu saxiixay ee dhigayay nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn sheegay in magaalada Garowe uu sidoo kale ka furmi doono shirka madasha wadatashiga qaran ee dalka kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda maamul goboleedyada iyo hogaanka dalka Soomaaliya.
Qodobadii C/welli Gaas uu saxiixay 12 April waxaa kamid ahaa in shirka dib u eegista dastuurka lagu qabtaa magaalada Garowe iyo in madaxda madasha ay tagaan magaalada Garowe si ugu dambeyn looga doodaa hishiisyadii la galay iyo doorashooyinka dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

