Muqdisho (Caasimada Online) – Bashiir Maxamed Jaamac Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xil muhiim ah u magacaabay nin ay aad isugu dhowyihiin madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, wuxuuna magacaabay Taliska Ciidanka Asluubta Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Bashiir Goobe ayaa ku wareejiyay Sarkaalka Cusub Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuled oo maanta booqasho ku tagay Taliska Guud ee Cidanka Asluubta ee Xamar.
Taliyaha Cusub ee loo magacaabay Galmudug, ayaa la sheegayaa in C/kariin Guuleed uu Bashiir Goobe usoo gudbiyay bilowga Bishaani si loogu magacaabo Taliyaha Ciidamada Asluubta mamaulka Galmudug.
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in maanta Madaxweynaha Galmudug ay ku wareejiyeen Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta maamulka Galmudug.
Taliyaha cusub ee loo magacaabay Galmudug ayaa kamid ahaa Saraakiisha dhawaan uu dalacsiiyay Madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana lasoo warinayaa in dalabkaasi uu ahaa mid ka imaaday dhanka C/kariin Guuleed.
Magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta maamulka Galmudug, ayaa lagu soo beegay xili maanta Madaxweynaha Galmudug uu Booqaday Xarunta Taliska Ciidanak Asluubta Soomaaliyeed ee Xamar.











