Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aankii maanta uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku diiday in gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare ee baarlamanka, ayaa macnaheedu noqday in beesha Daarood ay noqoneyso beesha ugu xubnaha badan aqalka sare.
Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa beesha Daarood siinaya 19 xubnood, sida ay Caasimada Online xog ku heshay.
Maadaama maamulo wax lagu dhisayo, ayaa faa’iidada ugu badan waxa ay beesha Daarood ka heleysaa dhinaca maamulka Jubaland. Inkasta oo Jubbooyinka Soomaalida oo dhan wada degaan, ugu yaraanna 50% dadka deggan aysan ahayn Daarood, haddana maadaama Axmed Madoobe loo xalaaleeyey, waxaa la filayaa in xubno u badan Daarood ay kasoo galaan.
Beesha Daarood waxay Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub 2016 ay ka heleysaa xubnaha soo socda:
Maamulada Xubnaha
Puntland 11
Jubbaland 6
Galmudug 2
Wadarta 19
Tani waxay ka dhigan tahay in Beesha Daarood ay 35% iyadu yeelan doonto xubnaha guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kaliya ay u baahan tahay isbaheysi hal beel ay la gasho si ay ula wareegto talada iyo jiheynta Aqalkaasi.
Guud ahaa tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:<
Maamulada Tirada xubnaha
Somaliland 11
Puntland 11
Galmudug 8
Shabeele/Hiiraan 8
Banaadir 0
K/Galbeed 8
Jubbaland 8
Wadarta 54
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

