27.1 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Xil. Samiiro: Dad dano leh ayaa caruurteena hub isugu dhiibay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa daboolka ka qaaday in colaada ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ay hurinayaan mas’uuliyiin ka tirsan BFS.

Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle oo ka tirsan BFS, ayaa sheegtay in dagaalka beledweyne uu yahay mid laga leeyahay dano Siyaasadeed waxa ayna tilmaantay in dagaalkaasi ay dhaliishiisu dusha ka saareyso Dowlada.

Xildhibaanada oo u waramaysay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa carab dhawday in dagaalka ay gadaal ka riixayaan Siyaasiyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ay sheegtay in dhaqaalo xoogan ay ku bixinayan.

”Waa xaqiiq in dagaalka uu yahay mid ay hurinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada, waxaan dareensanahay in dagaalka laga leeyahay dano Siyaasadeed”

Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle ayaa sidoo kale ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan waxba u qaban shacabka Magaalada Baladweyne ee uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabelle.

Haddalka Xildhibaanada ayaa imaanaya iyadoo Nabadoon Lixle oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan uu sheegay in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu dhaqaale adag ku bixinaayo Dagaalka ka socda Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News