Shirka Cadaado oo halis cusub ay soo wajahday kaddib GO’AAN ka soo baxay urur awood badan

Cadaado (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca Sheekh Ibraahim Guureeye, kana mid ahaa saxiixayaasha shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa isaga oo Cadaado ku sugan sheegey in ay ka baxayaan shirka 24-ka saac ee soo socda.

“Waan ka tagaynaaa, sababtana waxa ay tahay wax ka socda oo loo mideysanyahay ma jiraan, Ahlu Sunna iyo beelaha qaarkoodba kuma qanacsana, Cadaadana waan ka tageynaa 24-ka saac ee soo socda” ayuu yiri Sheekh Ibraahim.

Waxa uu eedda dusha ka saaray wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka “Wasiirka arrimaha gudaha waa wiil yar oo cusub oo hadda la keeney, marna aniga waxbo oga jawaabi mayo “, isaga oo intaasi raaciyey in dowladda aysan aqoonsanayn “Dowladaasi nama matasho, tii aan soo dhisanay ee Soomaalinimo iyo hankie aan u dhiseyna ma lahan, dowlad aan aqoonsanahay oo Soomaaliya ka dhaxeyso ma jirto”.

Ahlu Sunna waxa ay sheegtey in ay dhiseyso maamul “Maamul ayaan dhisaneynaa, maamul ayaanan ku dhawaaqeynaa, gogol ayaan dhigeynaa, cid kasta in ay kasoo qeyb gasho ayaan rabnaa” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Guureeye.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegey in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda shirka Cadaado.

Hadalka mas’uulkani ayaa yimid kadib markii xooggaga Ahlu Sunna ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Dhuusamareeb oo ay ciidamada dowladda gacanta ku haayeen, iyada oo dowladda ay sheegtey in ay talaabo ka qaaddi doonto Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com