Harriet Mathews oo tageysa gobolada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in Gobolada dalka Somalia ay booqasho ku maraan Xubno ka socda Dowlada Britain oo ay horboodeyso Harriet Mathews oo ah Danjiraha Cusub ee Dalka Britain u qaabilsan Dalka Soomaaliya.

Booqashada ugu horeysa ayaa waxa ay ku bixin doonaan Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland si ay u kuurgalaan Siyaasada, Amaanka Gobolada dalka.

Mr Harriet Mathews waxa ay Saxaafada u sheegtay in socdaalka ay ku kala bixin doonto Hargeysa iyo Magaalooyin kale oo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxa ayna tilmaantay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay socdaalkaasi ku bilaabi doonto.

Dowlada Britain ayaa waxa ay kamid tahay Dalalka Caawiya Dowlada Federaalka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com