Xildhibaan XOOSH “Mooshinka lagu burburiyay BJ waxa uu ahaa laab lakac ku salaysan QABIIL”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah mudane katirsan golaha BF Somalia, ayaa ka hadlay mowqifka Xildhibaanada baarlamaanka ay ka qaaten kan BJ.

Xildhibaan Xoosh wuxuu sheegay in talaabada uu qaaday baarlamaanku ay ahayd mid aan waafaqsanayn dastuurka, wuxuuna go’aanka baarlamaanka ku tilmaamay laab lakac ku salaysan qabiil.

Shaqsiyaad gaar ah ayuu tilmaamay inay kala tuuren Mooshinka, kuwa kalane ay ahaayen kuwa haye raac ah oo aan go’aankoodu aheyn mid saameyn leh.

Kala dirista BJ ayuu ku sheegay inay carqalad u abuuri karto hirgalinta Hiigsiga 2016-ka ee fooda nagu soo heyso waxa uuna carabka ku dhuftay in deegaanada Jubbaland hoostaga aan laga codeyn doonin, hadii ay sidaan kusii socto.

Xildhibaanada BF ayuu ugu baaqay inay ka feejignaadan waxyaabaha carqalada ku abuuri kara beelaha Soomaaliyeed islamarkaana horseedi kara dib u dhaca Hiigsiga 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com