28 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Shirka golaha wasiirada DF oo markii ugu horreysay ka dhacaya meel ka baxsan Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan shirka Golaha Wasiirada uu ka qabsoomi doono magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa arrintan u xaqiijiyey Caasimada Online.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay in Golahiisa Wasiirada uu ku wargeliyay in ay isku diyaariyaan safar ay ugu ambabaxayaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu qaban doono shirka Golaha Wasiirada todobaadkan.

Wafdi ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u ambabixi doona magaalada Kismaayo, iyada oo magaalada laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga.

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegay in shirka Golaha Wasiirada ee ka qabsoomi doona magaalada Ksimaayo ay xigi doonaan shirar kale oo Golaha Wasiirada ay ku yeelan doonaan xarumaha maamul goboleedyada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News