25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Jeneral Qaalib oo sheegay sababta uu u diiday xilkii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Jaamac Qaalib ayaa sida aan xalay qornay sheegay inuu iska diidey xil uu u magacaabay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo..

Jeneraal Qaalib oo maanta wareysi bixiyey ayaa faahfaahin ka bixiyey go’aankiisa, wuxuuna sheegay inuu ka cudurdaartay xilkaasi loo igmaday ee ahaa madaxa taakuleynta ciidanka Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha uusan kala tashan arrintaasi oo uu u malaynayo in si qalad ah ay ku dhacday.

Jeneraalka oo ka mid ah ciidankii dowladdii dhexe ee dalka soo martay ayaa sheegay in uusan awoodin qabashada xil kale oo uu hadda ku howlan yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed uu u kordhiyo wixii aqoon ah oo uu isaga dalka waayo joog uga soo ahaa.

“Xilkaasi waan ka cudurdaartay mid aan qaban karo maaha, iyadoo sabab kale la sheegin, anigu himiladeydu waxa weeyaan wixii aan taariikh Soomaaliyeed ka garanayo inaan dhallinyarada jaamacadaha dhigta u gudbiyo, taana waan ku howlanahay, wax kalena kuma dari karo, marka waan ka cudur daartay, madaxdana waan u gudbiyey, aniga la igalama tashan mana aqbalin sababo kale weeye taasi, mar horey la ii weydiiyeyna waan ka cudurdaartay oo ma qabanayo ayaan ku iri, waxaan filayaa in si qalad ah ay ku dhacday, haddii iyaguba wax i weydiin inaan wax sheego kuma qasbaneen”

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waayadan dambe waddey qorshe ballaaran oo ay dib ugu dhiseyso ciidan qaran oo hanta guud ahaan dalka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News