Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda inuu ka guuleysanayo kooxdii xildhibaanada ahayd ee waday mooshinka ka dhanka ah, xilli ay kordhayaan xildhibaanada diidan mooshinka.
Mooshinkan oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan kooxaha Damu-Jadiid iyo Daljir, ayaa waxaa sii yaraanaya xildhibaanada taageersan, mana muuqato inay haystana tiro ku filan oo ay ku hir-geliyaan.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta hadlay, ayaa sheegay in Xukuumado ay heyso shaqo fiican, islamarkaana aysan ogolaan doonin mooshin laga keeno.
Xildhibaan Cismaan Daalo ayaa sheegay inay rajeynayaan shaqada Baarlamaanka iyo Xukuumadda u dhaxeysa inay noqoto mid sare u kacdo, lagana shaqeeyo danta shacabka.
C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa asna dhankiisa ayaa sheegay inuusan xumeyn xiriirka Xukuumadda iyo Baarlamaanka ka dhaxeeya
“Waxaa la hadal haayaa in Xukuumadda iyo Baarlamaanka mugdi mugdi uu ku dhexjiro arrintaasi waxba kama jiraan haddii aan nahay Xildhibaanada wada shaqeyn buuxda ayaan diyaar ula nahay Xukuumadda, mana dooneyno mooshin” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

