Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagu qabtay meel ka baxsan Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa maanta markii ugu horeeysay lagu qabtay meel ka baxsan Kismaayo gaar ahaan magaalada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Shirka Golaha ayaa waxa shir-guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayada oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).

Golaha ayaa shirkaan ku ansixiyay in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay noqdaan Degmooyin, waxaynaa noqonayaan degmooyinka tirsan kuwa Jubbaland.

Sidoo kale waxaa warbixino looga dhageystay dhamaan xubnaha golaha Wasiirada ee shirka ku sugnaa, isaga oo madaxweyne ku-xigeenka 1aad uu faray in ay dardar-geliyaan shaqooyinka ay u hayaan Bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa sheegay inay muhiim tahay in demooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo loo dhiso Golle degaan, loona baahan yahay inay maamulka kala shaqeeyaan Odayaasha Dhaqanka.

Si kastaba, Waa markii ugu horeysay ee shirka Golaha Wasiirada Jubbaland lagu qabto degmada Dhoobleey, waxaana degmadaas ay kamid tahay degmooyinka uu sida rasmiga ah gacanta ugu haayo maamulka Jubbaland.