Shirka musharaxiinta oo war laga soo saaray (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, haatana ah musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa faahfaahin ka bixiyey shirka wada-tashiga midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2021-ka oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirka ayaa la sheegay inuu socon doono seddax maalmood oo maanta ka bilaabaneysa, waxaana looga arrinsanayaa doorashada Soomaaliya oo haatan hanaanka loo wado tabasho badan ay ka qabaan musharaxiintu.

Daahir Geelle oo galabta shirkaas faahfaahin ka bixiyey markii uu soo dhamaaday wajigiisa koowaad ayaa sheegay in musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta isugu yimid kulankaas ay arkaan qatar weyn ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in kulankii maanta ay isku cafiyeen musharaxiintu, isla markaana shirkan uu noqon doono kii lagu badbaadin lahaa mustaqbalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Musharaxiintan waxay dareemeen in dimuquraadiyadii curdunka aheyd ee Soomaaliya ay isku bedeli rabto digtaatooriyad miciyo leh oo adag, taasina waxay khatar ku tahay dalka oo dhan, markii aan isku imaanay waxaan isku bilaawnay inaan iska saamaxno waxyaabihii la kala tabanayey, waxaana ku heshiinay sidii Soomaaliya marxalada ay ku jirto aan uga saari laheyn inaan xoogga saarno, waana awoodnaa” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Intooda badan musharraxiintan waxay Muqdisho soo gaareen maalmihii u dambeeyey, waxayna isku baheysteen gadood ay ka qabaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka oo ay madaxtinimadiisa u wada hanqal taagayaan.

Waxaa la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Cabashada ugu badan ayey musharaxiintan ka qabaan xubnaha loo soo magacaabay guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka, waxaana lagu qadaa inay shirkan go’aan mideysan uga qaataan guddiyada magacaaban.

Musharaxiinta kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale ayaa ka qeyb gelay shirka maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo lagu wado in lasoo gaba-gabeeyo Isniinta soo socota.

Hoos ka Daawo Daahir Geelle oo faahfaahin ka bixiyey shirka