Shirkii ay ku baaqeen Deni iyo A/Madoobe oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii ay ku baaqeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo la filayey in 30-ka bishan January uu furmo, si looga wada-hadlo xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Axmed Madoobe Madoobe iyo Deni oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa soo jeediyey qabashada shirkaas, iyaga sidoo kale magacaabay guddiyadooda doorashooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta uu u baaqday ay tahay khilaafka weli u dhexeeya labadaas maamul iyo dowladda oo ka biyo diiday guddiyada ay soo magacaabeen.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa midkoodna ku sugneyn magaalada Muqdisho, taas oo ka dhiggan in uusan maanta dhici karin shirkaasi.

Dhinaca kale waxaa qabashada shirkan si aad ah u soo dhoweeyey beesha caalamka oo iyadu wado dadaallo ku aadan sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa maanta kulan la leh madaxweynaha Soomaaliya, si loo dhammeeyo khilaafka siyaasaded ee ka jira dalka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirto ran baarlamaaanka iyo madaxweynaha, taas oo xilligii loo asteeyey lagu soo dhawaanayo.