Shirkii DF iyo Somalland oo lagu kala kacay iyo qodob la isku mari waayey (Aqriso)

Jabuuti (Caasimada Online) – War hadda naga soo gaaray Jabuuti ayaa sheegaya in shirkii guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu kala kacay, islamarkaana dowladda Jabuuti ay isku dayeyso inay bad-baadiso.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in caqabadda ugu weyn ee shirka ay tahay qodob ay Somaliland diiday inay aqbasho, oo ahaa inaan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac ee ah inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqankax Ganacsiga iyo cayaaraha.

Qodobkan ayaa dalbanaya in Somaliland joojiso xariga iyo dhibaatooyinka ay u geysato dadka u baxa Muqdisho ama meel kale oo Koonfurta kamid ah iyo in ay joojiso dal ku gal oo ay ku qasabta dadka usoo socda Hargeysa.

Qodobkan oo la doonayo in war-murtiyeedka shirka lagu daro ayaa u qornaan lahaa sidan:

“Ayada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Sida oo kale, iyaga oo u hoggaansamaya xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyada hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Labada dhinac waxaa kale oo ay  isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgelka bulshada labada hawlaha la xiriira dhaqanka, sida ciyaaraha, fanka iyo suugaanta, si yoolkaan loo xaqiijiyo na, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta Bulshada.”

Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee sida in aan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray, oo dowladda Soomaaliya ay aqbashay waxaana qodobka kaliya ee caqabadda noqday uu yahay mid dhanka Somaliland ku xiran.

Sida aan xogta ku helnay Dowladda Soomaaliya ayaa xitaa diyaar u ahayd in ka reebto siyaasiyiinta dadka loo ogolaanayo isu-socodka, balse la ogolaado fanaaniinta, cayaartoyda iyo dhaqanka.

Dowladda Jabuuti ayaa isku dayeysa hadda inay dhinacyada isku soo celiso, islamarkaana shirka la bad-baadiyo, waxaana laga yaabaa in haddii aan taas lagu guuleysan illaa caawa, shirka lagu soo kala tago berri.