Shirkii lagu kala tegay ee DF iyo S/L oo dib u billowday iyo wararkii u dambeeyay

DJabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti ayaa ku guuleystay in mar kale uu isku soo celiyo guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo galabta ku kala kacay shirkii maalman uga socday halkaas oo lagu waday in laga soo saaro war-murtiyeed.

Caasimada Online ayaa heshay xogta ah in shirkaas lagu kala tegay galabta, kadib markii xubnaha metelaya Somaliland ay diideen in war-saxaafadeedka lagu soo bandhigayo qodobada lagu heshiiyey lagu soo daro hal qodob oo aysan ogoleyn.

Qodobka ay diideen xubnaha guddiga ee Somaliland uga qeyb gelaya shirkaas ayaa ah, in aan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac oo Muqdisho iyo Hargeysa ay dadku isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqanka Ganacsiga iyo cayaaraha.

Dowladda Jabuuti, gaar ahaa Ra’iisul wasaaraha dalkaas Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo kor joogto ka ahaa wadahadallada ayaa dadaal dheer ku guuleystay goor dhaw inuu isku soo celiyo dhinacyadan.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in hadda ay dib u bilaawdeen wadahadallada guddiyada farsamo ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana halkaas weli ku sugan oo kor joogto u ah labada dhinacba Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Qodobka kalifay in lagu kala dareero shirka ee Somaliland ay qoonsatay ayaa dalbanaya in Somaliland joojiso xariga iyo dhibaatooyinka ay u geysato dadka u baxa Muqdisho ama meel kale oo Koonfurta kamid ah iyo in ay joojiso dal ku gal oo ay ku qasabta dadka usoo socda Hargeysa, waxuuna u dhiganyahay sidan:

“Ayada oo la tixgelinayo dhaqanka iyo caadooyinka hodanka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxa ay labada dhinac isku raaceen dhiirragelinta is-dhexgalka siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ka dhexeeya dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Sida oo kale, iyaga oo u hoggaansamaya xeerarka caalamiga ah, waxa ay labada dhinac mar kale caddaynayaan sida ay uga go’an tahay dhowrista xuquuqda asaasiga ah ee xorriyada hadalka, isu-socodka iyo is-dhexgalka ee dadka deggan Soomaaliya iyo Somaliland. Labada dhinac waxaa kale oo ay  isku raaceen in ay dhiirragelinayaan ka qaybgelka bulshada labada hawlaha la xiriira dhaqanka, sida ciyaaraha, fanka iyo suugaanta, si yoolkaan loo xaqiijiyo na, waxaa labada dhinac isku waafaqeen in ay hirgeliyaan guddiga Iskuhaynta Bulshada.”

Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee sida in aan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray, oo dowladda Soomaaliya ay aqbashay waxaana qodobka kaliya ee caqabadda noqday uu yahay mid dhanka Somaliland ku xiran.

Sida aan xogta ku helnay dowladda Soomaaliya ayaa xitaa diyaar u ahayd in ka reebto siyaasiyiinta dadka loo ogolaanayo isu-socodka, balse la ogolaado fanaaniinta, cayaartoyda iyo dhaqanka.