JABUUTI oo si rasmi ah u shaacisay sababta xariga duuliye Fu’aad iyo lix eedo

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay war rasmiya kasoo saartay xariga duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo muddooyinkii dambe ku xirnaa dalkaasi, iyadoona ka dhalatay xiisad hor leh oo ka taagan gudaha dalka Jabuuti.

Jabuuti ayaa duuliyaha ku eedeysay lix arrin, kuwaasi oo ay sheegtay inuu u xiran yahay, isla markaana been abuur ku tilmaamtay warar kala duwan oo maalmihii u dambeeyay kasoo baxayey xariga duuliyaha.

Duuliye Fu’aad ayaa ku eedeysan inuu khatar galiyay nabad-gelyada dalka Jabuuti, kadib markii uu xiriir la sameeyay wadanka ay is hayaan ee Eretariya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay dowladda Jabuuti kasoo saartay xarigiisa.

“Maalmo badan waxaa la faafinayay sheekooyin salka ku haya mucaaradka oo ku saabsan eedeymo aan run ahayn iyo ku tiri ku teen aan xaqiiq ku dhisneyn oo ku saabsan xariga Fu’aad Yuusuf Cali oo la dhigay xabsiga Gabood” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkaasi.

Waxa kale oo lagu yiri “Jamhuuriyadda Jabuuti waxay gaashaanka ku dhufaneysaa wararkan la isla dhex marayo oo ay daabaceen warbaahin ay ka mid yihiin kuwa dibadda”.

Hoos ka aqriso lixda qodob ee ay dowladdu ku eedeysay duuliyaha:
1. Inuu isku dayay inuu diyaarad xado
2. Inuu diyaaraddaas burburiyay
3. Inuu xiriir joogto ah la lahaa awood ajnabi ah, oo ah waddan lagu magacaabo Eretariya
4. Inuu shaaciyay farriin qalalaase abauureysa
5. Inuu khatar galiyay difaaca qaranka, oo uu milatariga ku boorriyay inay amardiiddo sameeyaan
6. Inuu si shaac baxsan meel ka dhac ugu sameeyay milatariga

Dowladda Jabuuti ayaa sidoo kale hore u sheegtay in duuliye Fu’aad uu ku kacay falal ‘khiyaano qaran ah’, taasi oo ku mudan karo dil toogasho ah, walow uusan arrinkaasi la qabin qareenka u doodaya duuliyuhu.

Qareenka u doodaya duuliye Fu’aad ayaa dhowr jeer warbaahinta ka hor sheegay in dowladda Jabuuti ay ku tumatay xuquuqda dastuuriga ah, isla markaana qaab sharciga baal marsan ula dhaqantay Fu’aad Yuusuf.