Shirkii Garoowe ee DF iyo maamullada oo fashilmay

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii wada-tashiga qaran ee Garoowe uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa gebi ahaanba fashilmay, kadib lix maalmood oo la is hor-fadhiyay iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Dhammaan madaxda federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada shirka ka qeyb galay ayaa maanta oo sabti ah ka dhoofaya Garoowe, kuna laaban doono magaalooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Ilo-wareedyo lagu kasloon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in la filayo in madaxweynaha martida loo ahaa ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu warbaahinta la hadlo isla markaana uu rajo muujiyo una mahad celiyo madaxda sida ay codsigiisii u ga aqbaleen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ramadaanka kadib lagu ballamay in shir kale la isugu yimaado, balse marka la eego halka uu khilaafku gaaray aad ayey u adagtahay in uu kulan kale qabsoomo.

Shirkaan oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin ayaa waxa uu noqday kii ugu waqtiga dheeraa, marka la eego saacadaha uu socday. Soomaalida ayaa rajo weyn ka qabtay in madaxdu ay gaari doonaan qodobo wax ku ool ah, balse waxa uu noqday mid lagu hungoobay.

Cidina ma saadaalin karto sida ay wax noqon doonaan iyo halka loo dhaqaaqi doono, balse waxaa muuqata in kaalinta beesha caalamka loo baahnaan doono si ay madaxda Soomaalida ay u heshiiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com