Shirkii golaha wasiirada DF oo maanta baaqday xilli ay jirto xiisad siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta la baajiyey kulankii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay yeelan jireen.

Farriimo loo diray xubnaha Golaha wasiirada ayaa lagu wargeliyey inuu baaqday kulankii xasaasiga ahaa ee maanta la filayey inay yeeshaan Golaha Wasiirada kaasoo la hadal hayey in looga hadli doono xaaladda kala guurka ee dalka galayo.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogo sababta keentay in la baajiyo kulankii sida weyn ee loo sugayey ee Golaha Wasiirada, waxaana jiro hadal heyn badan ku saabsan waxa uu u baaqday kulankaas.

Tan iyo maalintii Sabtidii markii lagu buuqay Madaxweynaha oo ka hor khudbeynayay Baarlamaanka xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa marba marxalado cusub ku soo kordhayay iyo tallaabooyin is xig xigay, kaddib baaqii ka soo baxay.

Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan ku saabsan Doorashada Soomaaliya iyo waji cusub oo kala guur siyaasadeed in la guda galay muujinayay, waxaana xigayey shirkii jaraa’id oo ay qabteen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Sheekh Axmed.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan golihiisa wasiirada amar ku siiyey inay bilaabaan sidii dalka loogu diyaarin lahaa doorasho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahayo moojado siyaasadeed oo xooggan oo kaga imaanayo dhinacyada siyaasadda iyo qaar ka tirsan Beesha Caalamka.